Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu yahay shirka uu maanta Muqdisho ka furay Ra’iisul Wasaare Xamza?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, kaas oo diiradda lagu saarayo hannaanka wadashaqeynta ee labada dhinac.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan Golaha Wasiirada iyo xuno ka socda Bangiga Adduunka.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbeeyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, wuxuuna cadeeyay in dalka uu kasoo gudbay dhibaatooyin badan haddana la hiigsanayo horumar.

Sidoo kale wuxuu soo bandhitay qorshaha xukuumaddiisa, gaar ahaan siyaasadda  ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda.

“Somalia waxay maanta taagan tahay marxalad kala guur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeye hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran” ayuu yiri.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa taageerada hagar la’aaneed uga mahadceliyey maamulka Bangiga Adduunka, gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka hannaanka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan oo gabagabo ku dhow.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumaddiisa uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

316075983_483179787244506_42930134298880 316161442_483179437244541_89530785193313 316076998_483179690577849_29259693130469 316007107_483179560577862_75299146477714316018141_483179637244521_87532505764792

The post Sawirro: Muxuu yahay shirka uu maanta Muqdisho ka furay Ra’iisul Wasaare Xamza? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this