Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Goboleedyada oo joojiyay Wada-shaqayntii Wasaarada Isgaarsiinta heer Federaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Technologiyada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoobaxay Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta maamulada ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Boostada DF Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyey xiriirkii labada heer ee Wasaaraddaha, isla markaana uu kaligiisa qaaday tallaabooyin dhowr ah

Wasiirada Boostada maamulada ayaa Wasiir Jaamac ku eedeeyay inuu dhowr jeer baajiyay shirar lagu balansanaa inay labada dhinac ay yeeshaan, si wadashaqeyn loo dhan yahay looga wada yeesho siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Technologiyada dalka.

Sidoo kale Wasiirada ayaa Qoraalkooda ku xusay in Wasiirka uu si musuq-maasuq ah uu ku maamulayo mashruuca Digital Integration oo World Bank dhawaan bilaabeyso, isla markaana ay ku baxeyso lacag dhan ah 80 Milyan oo dollar.

FB_IMG_1668668107169.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1668668113042.jpg?resize=720%2C64

PUNTLAND POST

The post Dowlad Goboleedyada oo joojiyay Wada-shaqayntii Wasaarada Isgaarsiinta heer Federaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this