Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo saxiixday heshiis kheyraadka badda loogu fasaxay shirkad shisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, kaasi oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiska oo ah is-faham laba dhinac leh oo waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa ogolaanay in Maraakiibta shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) la siiyo ruqsado ay uga kalluumeysato badda Soomaaliya.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maal-galin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha, kaasi oo ah kalluun xilliyeed guur-guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo qeyb-galay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (Group) co.ltd.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigu oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan-Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

“Waa in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, isaga oo dhambaal digniin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada sharci darada ah ku soo galaan biyaha dalkeena.

314180384_663586225136408_34191066738518 315774438_663586278469736_20287911735751 314125726_663586235136407_19964510233267 312324945_663586265136404_80200956044939

The post Sawirro: DF oo saxiixday heshiis kheyraadka badda loogu fasaxay shirkad shisheeye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this