Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid Cabdifataax Al-burhaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Jeneraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Jananka ayaa fariintaan ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.

Sidoo kale, dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan kooxaha argagixisada ah.

Suudaan ayaa ku faantay in door wanaagsan ay ka soo qaadatay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.xasan-iyo-suudaan.jpg

315881988_522504186587392_76629723396427suudaan.jpg  xasan-iyo-suudaan.jpgaa_.jpg

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid Cabdifataax Al-burhaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this