Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Xuquuq Insaanka iyo Hay’adda Foreensiga Puntland oo heshiis gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668594637603.jpg?resize=384%2C27

Xafiiska difaacaha xuquuqul insaanka Puntland ayaa heshiis wadashaqeyn la saxiixday Hay’ada Foreensig Sayniska Puntland kaas oo dhigaya ilaalinta xuquuqda aadanaha .

Heshiiska ayaa ku saabsanaa xogwadaag xaddidan ee u dhaxeeya Xafiiska Difaacaha Xuququda Aadanaha Puntland iyo Hay’adda Foreensig Sayniska Puntland, waxaana  si wadajir ah u wada saxiixay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said Mumin  iyo Guddoomiyaha Hay’adda Foreensig Sayniska Puntland mudane #Cabdirashid M. Shire, waxaana sidoo kale heshiiska qayb ka ahaa garyaqaannada iyo saynisyahanada labada Xafiis.

Ujeeddada heshiiska ayaa ahayd in la abuuro madal lagu wadaago xog sugan, taasoo u dhaxaysa labada xafiis oo xoojinaysa daah-furnaanta baarista kiisaska ciqaabta ah oo ka dhan`ka ah Xuquuqda Aadanaha, sidoo kale heshiiska ayaa wax tar u leh la socoshada kiisaska maxkamadaha gaaray iyo go’aannada garsoorku ka gaaray.

Ugu dambeyn heshiikan wuxu xoojinayaa hellidda baaritaanno ku salaysan caddaallad oo ay helaan darafyada dhibanayaasha iyo eedaysanayaasha baaritaannada maray, isla markaana si wadajir ah xog-tooda u wadaagayaan labada xafiis, wuxuuna kor u qaadaya kalsoonida bulshadu ay ku qabaan baaritaanno caddaalad ah.

PUNTLAND POST

The post Xafiiska Xuquuq Insaanka iyo Hay’adda Foreensiga Puntland oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this