Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabaa In Xalay Uu Hargeysa Qarax Ka Dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa war kasoo saaaray warar xalay lagu baahiyay baraha bulshada oo ku saabsanaa in gudaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu ka dhacay Qarax.

Taliska oo qoraal soo saaaray ayaa arrintaasi wax kama jiraan ku tilmaamay, waxaana sidoo kale sheegeen in jugta la maqlay ay hayd Banjarle Ama Goomayste banjarinayay Tayir.

Booliska ayaa intaas ku daray in dhawac fudud  soo gaadhay Banjarlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee Hargeysa.

“Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.

Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qaraxyar dhaceen, kaas oon ahay wax dibdakaga yimi waxaana dhawac fudud  soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa.

Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday.

Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaar ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba.

XAFIISKA WARBAAHINTA

CIIDANKA BOOLISKA JSL.”

Dhan kale Haryaal tv isaguna goobta tagay ayaa ka warbixiyay sida ay u dhaceen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this