Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump Oo Maanta Ku Dhawaaqay In Uu Mar Kale U Tartami Doono Madaxweynenimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa hadda ku dhawaaqay in uu mar kale u tartami doono doorashada madaxtinimo ee 2024. 76 jirkan soo noqday madaxweynaha hore, ku dhawaaqistiisu waxa ay gogol xaadh u tahay mawjado tartan oo ku saabsan magacaabidda xisbiga Jamhuuriga.

Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta codbixinta ee Mareykanka.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xilligii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaankiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga.

Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweynaha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddoomiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Mike Pompeo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this