Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahmed Hussein Isse for KULMIYE President

Recommended Posts

War deg deg ah, Dr Ahmed Xuseen Ciise oo daboolka ka qaaday in uu u sharxanyahay jagada gudoomiyinimada Xisbiga Kulmiye

 

 

Hargaysa (QARAN) Waxa hada laga soo dareery shir balaadhan oo uu maanta uu qabtay Dr Axmed Hussien Ciise, taasi oo uu ku soo bandhigay in uu u sharaxanyahay gudoomayanimada xisbiga balaadhan ee Kulmiye, shirkani oo ahaa mid aad iyo aad loo soo abaabulay isla markaasna ay ka soo qayb galeen saxaafda aad u fara badani waxa garab taagnaa Dr Ahmed Xuseen Ciise, mudane Maxamed Saalax Nuur Fagadhe oo isna halkaasi ku booriyay in ay sax tahay in uu Axmed Xuseen Ciise uu is soo sharaxo, dhamaanba waxa meesha ka maqnaa rag aad loo filaayay in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo ay ka mid yihiin Cabdiraxaan Aw Cali iyo Ibrahim Dhagaweyne, hase ahaatee waxa goobta lagu arkaayay wakiilo dhawr ah oo lagu qiyaasay tobaneeyo xubnopod oo iyagu matlaayay ragaasi iyo qaar kale oo aan iyagu maanta shirka ka soo xaadirin.

 

Shirkani oo uu qudubad dheer ka soio jeediyay musharaxa maanta shirkani9 qabtay oo aad u dheerayd waxa aad kala socon doontaan shabakadani Qarannews, anaga oo soo dayn doona kulankaasi balaadhnaa oo aan wali noociisa oo kale laga arag dalka sidii balaadhnayd ee looga soo qayb galay, sida ay doontaba ha ahaatee shirkani maanta waxa uu guux iyo dareen xoogleh ka dhaliyay xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbiga ugu balaadhan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, arinta maanta magaalada laga hadal hayaa ee cidwaliba ka sheekaysanysaa waa arinta xisbiga Kulmiye, iyada oo dhamaan dadka xiiseeya wararka siyaasada xisbiyada Somaliland ay maanta ku wada mashquulsanyihiin warkaasi, iyada oo dadka oo aad arkayso dad soconaaya oo khadka mobilka isku waraysanaaya, iyo iyada oo aad looga soo hadlaayo dalka dibadiisa iyo goboalada dalka ee Somaliland iyada oo la is waydiinaayo warka isi soo sharaxida Axmed Xuseen Ciise taasi oo loolan xoogan ka dhex abuurtay xisbiga Kulmiye gudihiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this