Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullaan ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
Lafta-gareen-1.jpg?resize=860%2C614&ssl=

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo booqday degmada Baraawe ayaa shaaciyay in Gobolka Shabeellada hoose uu ka bilaabanayo duullaan ka dhan ah Al-shabaab.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay degmada Baraawe ayaa tilmaamay in gobollada Baay iyo Bakool uu ka socdo gulufka dagaal ee ku jihaysan Shabaab, waxaana uu Ciidamadda iyo Shacabka Gobolka Shabeellada Hoose ku amray in ay dhankooda dagaalka bilaabaan.

“Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan” ayuu sii raaciyay Lafta Gareen.

PUNTLAND POST

The post Duullaan ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this