Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo safar nabadeed ku gaaray degaano hoostaga Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668582165658.jpg?resize=720%2C48

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Isimada Gobolka Mudug ayaa Safar Nabadeed ku gaaray Deegaanada Teerage iyo Bali-qurun oo hoostaga Degmada Gaalkacyo.

Deegaanadaan ayaa waxaa isku hor fadhiyey laba Beelood oo walaalo ah kuwaas oo isku hayey Deegaamaynta dhul udhaxeeyey, Waftigan oo uu hogaaminayo Gudoomiye Mudane Faysal ayaa kulamo ay la qaateen Nabadoonada iyo Bulshada labada Deegaan ee Teerage iyo Bali-qurun ku guulaystay in ay kala qaadaan Ciidamo Beeleedyo halkaa isku hor fadhiyey iyadoona la go’aamiyey in ay qayb ka noqon doonaan Shirka Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug oo gogoshiisu hada ka furantahay Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Maamulka uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa wakhti badan galiya islaaxa, Nabadaynta iyo ilaalinta Nabad galyada Beelaha walaalaha ah ee wada degan isagoona tiro ka dhowr jeer safaro sidaan oo kalaa ugalay Deegaanada Iyo Degmooyinka Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo safar nabadeed ku gaaray degaano hoostaga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this