Cowke Posted November 7, 2009 GOLIS TELECOM oo soo bandhigtay adeeg cusub oo lamagacbaxay SAHAL Shirkada isgarsiinta GOLIS ayaa xalay markii uhoreysay waxay soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magacdaray SAHAL, kasoo leh waxqabad balaaran oo waxyaaba badan kuufududaynaya . Barnamijkan cusub ee sahal ayaa kuu suurta galinaya in mobilkaaga ayaad ku’adeegato adoo jooga meel kasta oo GOLIS kashaqayso , adeegan Cusub ee SAHAL ayaa kuufududaynaya in mobilkaaga aad kubixinkarto lacag ,kushubankarto lacag ,kudaydsankarto,lacagtaada ,kugadankarto,kudukamaysankarto iyo in aad kudirsankarto adoo isticmaalaya Mobilkaaga waxaana adeegaas kuufududaysay shirkada GOLIS . Xafladii soo bandhigida barnammijkan sahal oo xalay kadhacay gudaha hotel Panorama ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin aad ufarabadan oo ubadan ganacsato iyo dadweyne kale halka xafalada uu soo gunaanaday duqa degmada bosaso . Ugu horeyn xaflada furitaankeedii ayaa waxaa qadar quraan akhris kadib ayaa filim dawasho ah waxaa lagu soo bandhigay barnaamij casri ah ee Sahal kaasi oo laga soo duubay dhanka miyiga waxaana filimka kadhex muuqday oday reer miyi ah oo shirka ganacsi kagadanaya Xoolo nool isagoo jooga miyaga oo arigiisa dawacada ka’ilaashanaya iyo dhurwaaga waxaana adeegaas usuurta galisay shirkada GOLIS oo meelkasta aad kahelayso adeegyadeeda . Ugu horeyn waxaa sharaxaad kabixinayay barnaamika cusub ee SAHAL iyo faa’iidadiisa Madaxa ganacsiga iyo suuq gaynta ee GOLIS Cumar Cisse Maxe’d (Cumar faaruuq) waxaana Cumar uu sharaaxaad kabixiyay barnamijkan iyo faa’dada uu leeyahay waxaana kamid ah in hantidaada aad kuqaadankarto adeega sahal kaasi oo kuu suurta galinaysa in aad xoolahaaga kukayd sato Mobilkaaga . Intaas kadib waxaa xaflada kahadlay Mareeyaha Guud ee shirkada Golis Aadan Shiikh doon Cali waxaana uu mareeyuhu kawaramay in shirkadu ay haatan bilawday isticmaalka adeega sahal oo bulshaduna ay haatan isticmaali karaan waxaana mareeyuhu uu cadeeyay in barnamijkan oo kaliyah aysan shirkadu ku’ekaanayn laakiin ay shirkada ay lajaan qaadayso Technolagiyada casriga ah ee dunida iyadoo shirkadu dhawaan ay soo wado barnamijyo casri ah . Intii lagu guda jiray soo bandhigida xaflada ayaa waxaa kahadlay goobta qaar kamid ah Ganacsatada isticnmaashay barnamijkan Sahal oo wax kugatay . Cumar Ismail Waberi waa gudomiyaha shirkada furqaan waxana uu cadeeyay in barnamijkan oo ahmiyad gaar ah uleeyahay ganacsatada oo meesha ay tagaan ay wax ku’iibsankaraan waxaana uu cadeeyay in barnamijkan uu hormarinayo Ganacsiga Puntland . Ugudambayntii waxaa Xaflada Gabay amaan ah oo aad loo jeclaystay utiriyay barnamijka iyo shirkada Golis Abwaan Saxardiid waxaana gabaygaas uu ahaa mid intabadan kuqotoma waxgabadka balaaran oo ay shirkada GOLIS kawado deegaanada Puntland . Shirkada GOLIS oo ah shirkada uguwayn shirkadaha isgaarsiinta ee Puntland ayaa xili walba kutala jirta in bulshada Puntland iyo kuwa Somaliya ay haakaha kadhahaan adeegyada casriga ah iyadoo shirkadu hada kahor soo bandhigtay adeegyo aad loola dhacay oo ay kamid ahaayeen Kumushaax, E’adeeg iyo barnamijya kale oo aan halkan lagu soo koobi karin . Barnamijkan cusub ee sahal oo ay haatan soo bandhigtay shirkada GOLIS ayay shirkadu noqotay shirkadii labaad ee barnamijkan kahirgalisa dalka Somaiya . Isdiiwaan galinta barnamijka sahal ayaa xalay ilaa maanta waxay si dar dar leh uga socotaa gudaha magaalada Bosaso waxaana maaanta dadka intabadan ay isku diiwaangalinayeen xarunta Bosaso Mall oo maanta lafuray waxaana furitaanka Bosaso Mall si aad ah uga dhexmuuqatay Shirkada GOLIS oo kaalin lixaad leh kulahayd waxaana soo bandhigida barnamijkan uu socondoona mudo asbuuc waxaana uu kasocon doona xarunra Bosaso mall . Ugu dambayntii dadka kunool deegaanada Puntland ayaa si iskumid ah usoo dhaweeyay barnamijkan casriga ah ee GOLIS ay soo bandhigatay waxaana maanta aan kula kulmay xarunta Bosaso Mall nin bulshada kamid ah oo ii cadeeyay in xiligii ciidka lacagtii dharka ciida oo uu caruurta usoo qaaday lagalabaxay jeebkiisa halkaas oo ay khasaaro soo food saartay waxaana uu qiray in hadii barnamijkna sahal uu jiri lahaa in dhibtaas aysan qabsateen waxaana naa uu ninkan ii cadeeyay in uu iskadiiwaangaliyay xalay uuna qaatay barnamijkan . Mudadii ay GOLIS jirtay ayay deegaanada Puntland waxay kusoo kordhisay adeegyo casri ah kuwaas oo aad loo jeclaystay waxaana shirkadu har iyo habeen utaagan tahay sidii ay bulshada ugaar siin lahayd adeega isgaarsiineed oo casri ah . Sawirrokale Xasan Cabdi Farey(Xasan Gentleman) Sawirada: Siciid C/laahi Jaamac SBC-International Bosaso . Quote Share this post Link to post Share on other sites