Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha wasiirrada oo anxisiyey miisaaniyadii ugu badnayd iyo heshiisyo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuuna goluhu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $967.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadaan ayaa ka kooban dakhliga gudaha uga soo xaroonaya dowladda iyo deeqda ay dowladda siiyaan saaxiibada caalamka.

“Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda.

“Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaandhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

315634228_481869334042218_48309002423548 315644398_481869137375571_64587456673263 fiqi-wasiir-Fiqi.jpg golaha-wasiirrada-xukuumadda.jpg Khadiija-diirye.jpg wasiir-Cilmi-Maaliyadda.jpg wasiir-Jaamac-Cabdulqaadir.jpg wasiirada.jpg wasiirrada.jpg wasiirro.jpg Xamze-Xamse.jpg xukuumadda-golaha-wasiirrada.jpg xukuumadda.jpg

The post Sawirro: Golaha wasiirrada oo anxisiyey miisaaniyadii ugu badnayd iyo heshiisyo kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this