Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden Oo Markii Ugu Horreysay La Kulmay Dhiggiisa Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulankii ugu horreyay si fool ka fool ah waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia, halkaas oo shalay uu ka furmay Shirka Hoggaamiyeyaasha G20.

Biden iyo Xi Jinping ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin arrinta Jaziiradda Taiwan, xiisadda ka taagan Gacanka Korea iyo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka dib waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dagaal qabow oo cusub uu haatan ka dhex qarxay labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa intii uu kulanku socday waxay kaloo ka wada hadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo xiisadda Kuuriyada Waqooyi kala dhaxeysa Kuuriyada Koonfureed, iyadoo uu Shiinuhu xidhiidh dhow la leeyahay Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Mareykanka ayaa Shiinaha u arka dal saamayn weyn ku leh Kuuriyada Waqooyi, isla-markaana uu yahay cidda keliya ee uu wax ka dhageysto Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga, Kim Jong-un.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Biden uu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this