Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Falastiini Ah Oo Maanta Weerar Ku Dilay Laba Qof Oo Israa’iili Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israa’iili ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aan isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil.

Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israa’iil, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku warramay in “weerar toorey” ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed.

“Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay ciidamada.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaadhay, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay.

Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska lagaga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,” sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaadhi oo uu baxsaday.

“Wuxuu la cararay baabuur uu xaday, wuxuuna kadib ku dul maray qof shacab ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay gaadhiga lala dul maray.

Ciidamada ayaa intaas ku daray in askari uu kadib dilay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana lagu raad joogo qof labaad oo la tuhunsan yahay inuu weerarka ku lug lahaa.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qofka Falastiiniga ah ee ciidamada Israa’iil ay toogteen lagu magacaabay Mohammed Souf oo ahaa 18 jir, mana bixin faah-faahin intaas dheer.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this