Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Adduunka Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dadweynaha Caalamka ku dhaqan ayaa maanta gaadhey 8 Billion oo ruux. Tan ayaa ah tiradii ugu badnayd ee muddooyinkan ay gaadhaan Aadanuhu.

Sannadkan oo keliya waxa Adduunka ku soo biiray dad dhan 116 Milayn halka 50 milyan oo kalena ay dhinteen.

Tirada Aadanaha ee xilligan ayaa ah mid beenisay qiyaaso hore loo saadaaliyey oo sheegayey in sannadka 2030 ka hor aan la gaadhi karin 8 Billion oo ruux.

Qaramada Midoobey Waxaa ay sidoo kale sheegtay in 15 sanno qaadan karto in tirada dadka gaadhaan 9 Bilyan halka ilaa 2080ka ay qaadan karto in tirada dadka Adduunku gaadhaan 10Bilyan oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this