Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Another huge Explosion in boosaaso

Recommended Posts

Qarax Caawa lagu weeraray Saldhig ku yaala Bosaaso.

Horseed Media

Breaking News

 

Waxaa fiidnimadi caawa weerar bam gacmeed ah lagu qaaday Saldhig ku yaala Magaalada Bosaaso kaas oo geystay khasaaro dhaawac ah.

 

Saldhiga lagu magacaabo Minjir oo ku yaala xaafada Biyo Kulule ee Bariga Magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu tuuray bam kaas oo sababay khasaaro dhaawac.

 

Horseed Media oo booqasho ku tegtay Saldhiga u Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa loo xaqiijiyey in Taliyihi Saldhigaas oo lagu magacaabo Duunge iyo Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

 

Waxaana ay wararku sheegaayan in xilliga Saldhiga la weeraraayay u Taliyaha ku sugnaa, waxaana iminka dhaawaca Taliyaha la geeyey Cisbitaalka Bosaaso halkaas oo lagu dabiibaayo isaga iyo Askariga kale ee isaguna ku dhaawacmay.

 

Lama yaqaano cida ka dambeysay qaraxaan caawa lala beegsaday Saldhiga Minjir,waxaana jirta in Ciidan ka tirsan Saldhigaas ay durbadiiba bilaabeen howlgalo ay ku sugaayan amniga aaga saldhiga, iyadoo sidoo kale ay kala ceyriyeen dadki isugu soo baxay Saldhiga oo rabay in ay ogaadan sidi ay wax u dhaceen.

 

Qaraxaan ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca Magaalada Bosaaso mudo 24-saac gudahood ah, iyadoo habeenkii xalay qarax lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidan ka tirsan amniga Bosaaso kuwaas oo xilliyadi habeenkii baara gaadiidka goosheeya laamiga dheer ee Bosaaso.

 

Waxaana muuqata in falalka amni darada ah xilliyada habeenkii ay ku soo badanaayan magaalada Bosaaso oo mudooyinkii ugu dambeeyey aan looga baran, iyadoo sidoo kale maanta garoonka diyaaradaha laga afduubtay diyaarad ay iska lahayd Shirkada Daalo Airline kaas oo ay afduubeen Kooxo hubeysan oo marki dambe ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Puntland.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this