Xaaji Xunjuf Posted November 2, 2009 Qarax Caawa lagu weeraray Saldhig ku yaala Bosaaso. Horseed Media Breaking News Waxaa fiidnimadi caawa weerar bam gacmeed ah lagu qaaday Saldhig ku yaala Magaalada Bosaaso kaas oo geystay khasaaro dhaawac ah. Saldhiga lagu magacaabo Minjir oo ku yaala xaafada Biyo Kulule ee Bariga Magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu tuuray bam kaas oo sababay khasaaro dhaawac. Horseed Media oo booqasho ku tegtay Saldhiga u Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa loo xaqiijiyey in Taliyihi Saldhigaas oo lagu magacaabo Duunge iyo Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Waxaana ay wararku sheegaayan in xilliga Saldhiga la weeraraayay u Taliyaha ku sugnaa, waxaana iminka dhaawaca Taliyaha la geeyey Cisbitaalka Bosaaso halkaas oo lagu dabiibaayo isaga iyo Askariga kale ee isaguna ku dhaawacmay. Lama yaqaano cida ka dambeysay qaraxaan caawa lala beegsaday Saldhiga Minjir,waxaana jirta in Ciidan ka tirsan Saldhigaas ay durbadiiba bilaabeen howlgalo ay ku sugaayan amniga aaga saldhiga, iyadoo sidoo kale ay kala ceyriyeen dadki isugu soo baxay Saldhiga oo rabay in ay ogaadan sidi ay wax u dhaceen. Qaraxaan ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca Magaalada Bosaaso mudo 24-saac gudahood ah, iyadoo habeenkii xalay qarax lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidan ka tirsan amniga Bosaaso kuwaas oo xilliyadi habeenkii baara gaadiidka goosheeya laamiga dheer ee Bosaaso. Waxaana muuqata in falalka amni darada ah xilliyada habeenkii ay ku soo badanaayan magaalada Bosaaso oo mudooyinkii ugu dambeeyey aan looga baran, iyadoo sidoo kale maanta garoonka diyaaradaha laga afduubtay diyaarad ay iska lahayd Shirkada Daalo Airline kaas oo ay afduubeen Kooxo hubeysan oo marki dambe ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Puntland. Horseed Media. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 2, 2009 Waxaa fiidnimadi caawa weerar bam gacmeed ah = not huge adeer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted November 2, 2009 Not funny, an act of 5tupidity Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 2, 2009 Duke who is behind this ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 2, 2009 ^^^Not sure, someone wants to be famous I guess. Quote Share this post Link to post Share on other sites