Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta-gareen oo magacaabay wasiir cusub, kadib dilkii LUGBUUR

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Lafta Gareen ayaa xilka wasiirka cadaaladda oo banaanaa u magacaabay Xasan Cabduqaadir Maxamed, kadib la tashiyo uu waday maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray wasiirka cusub inuu si deg deg ah xilka ula wareego, islamarkaana uu laba jibaaro dadaalkiisa ku aadan shaqada looga igmaday.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday hay’adaha kale ee maamulka iyo kuwa ammaanka inay la shaqeeyaan wasiir Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon.

Wasiirka cusub ayaa beddalaya Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur oo ahaa wasiirkii cadaaladda ee Koonfur Galbeed, kaas oo 13-kii Julay ee sanadkan lagu dilay qarax miino isaga iyo wiil uu dhalay xilli kasoo baxeen masjid ku yaalla gudaha Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay soo qabashada labo ka mid ah kooxihii kasoo qorsheeyey qaraxalagu dilay wasiirkaasi, waxaana la toogtay ninkii fuliyey qaraxa, halka wiil la dhashay oo maqane ah isna lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana dhinac kale 15 sano oo xabsi  ciidan ah lagu riday gabar kala shaqeysay diyaarinta qaraxaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysaa xaalado is biirsaday, sida xiisad kala dhalatay muddo kororsiga Lafta Gareen, abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

The post Madaxweyne Lafta-gareen oo magacaabay wasiir cusub, kadib dilkii LUGBUUR appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this