Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo dalab culus u gudbiyey howlgalka ATMIS + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay saraakii sar sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS ee ka socda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidanka Booliska, qeybta gobolka Baay iyo taliyaha saldhigga degmada Baydhabo, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta taageerada ay ATMIS siiso maamulkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa saraakiisha uu la kulmay ee ka socday ATMIS ka dalbaday in ay u tababaraan ciidamo cusub oo Boolis ah oo gacan ka geysta sugidda amniga.

Ciidamada cusub ee loo tababarayo Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah qayb qaabilsanaan doonto dambi baarista iyo kuwa kale oo loo tababarayo ilaalinta nabadgelyada waddooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

“Kooxda ATMIS waxa ay marweliba tababaro lagu kordhinayo la dhaqanka Bulshada & howlaha sugidda amniga siiyaan Ciidamada Booliiska Koofur Galbeed, Madaxweyne Lafta Gareen waxa uu ATMIS u bandhigay qorshaha guud ee tababarada Ciidamo Booliis ah, kuwa dambi baarista (C.I.D). & kuwa ilaalinta nabadgalyada waddooyinka” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ka socotay howlgalka ATMIS ayaa ballan qaaday in ay sii kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidanka Koonfur Galbeed sidoo kalena ay taageeri doonaan dhanka howlgallada, si loo xaqiijiiyo amniga guud ee magaalooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaaa waxaa haatan ka socdao dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana deegaanka qaar ka bilowday abaabulka guluf dagaal oo lagu qaadayo deegaanada ay weli xoogaga Mintidiinta kaga sugan yihiin gobolada maamulkaasi.

315498085_687995316224856_88821033191700 315532172_687994939558227_51317059319548 315498085_687995316224856_88821033191700 315616690_687995086224879_38964996213528 315640067_687995362891518_64904085226778 315689562_687995046224883_22216999552376 315729928_687994892891565_39762519802170

 

The post Madaxweyne Lafta Gareen oo dalab culus u gudbiyey howlgalka ATMIS + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this