Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo BF kahor sheegay arrin ay si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Munaasibada daahfurka kalfadhiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo labadooda ku-xigeen, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaanada labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaasha Golaha Wakiillada dowladd-gobaleedyada iyo marti sharaf kale.

Kulfadhiga ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay guddoonka labada Aqal, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo ka hadlay shaqooyinka laba Aqal u qabsoomay kalfadhigii koowaad ee Golaha iyo ajandayaasha horyaala kalfadhiga labaad.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Golaha ayaa wuxuu ugu horeyntii xaalada guud ee dalka uga warbixiyay mudanayaasha labada Aqal, isaga oo sheegay in dalka hadda uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ka socda inta badan gobolada.

“Waxaan soo waayay ka Madaxweyne ahaan jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Islaamnimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadkuba waxay innooga baahan yihiin xil gudasho dhameystiran, oo ah in aan dhinac uga soo wada jeedsano halka cadow ee Soomaaliyada maanta ay leedahay. Waa inaan isku garabsiino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadow ee maanta aan leenahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowladba sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadaw ee aan maanta leenahay, dib u xoreynta dalka oo dhan waa wadada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarreeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh inay Soomaaliya xiligaan u baahan tahay kasbashada saaxiibo ka taageera arrimaha mudnaanta u leh dowladda, taasi oo uu sheegay inay laf-dhabar u tahay siyaasadda dowladdiisa in la soo dhaweysto cid waliba.

“Soomaaliya inta ay saaxiibo u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahantahay,” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Maanta dalkeena iyo dadkeenuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho lahayn, meel guuldarradu aanay boos ku lahayn/uga bannaanayn, waxaan go’aansanay inaan u guntano dagaal dalka looga sifeynayo Khawaarijta.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa mudanayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka codsaday inay fududeeyaan dhamaan sharciyada horyaala Golaha, kuwaasi oo uga imaaday xukuumada.

baarlamanka-xildhibaanada.jpeg Xasan-baarlamanka.jpeg 315562779_521480736689737_49558688829221 Xasan-Sheekh-baarlamanka.jpeg guddoonka-baarlamanka.jpeg 315645375_521481043356373_49945835800638 315577710_521480940023050_48995248703329 xildhibaanada-baarlamanka.jpeg Xasan.jpeg 315745003_521480953356382_11281734615327 315610985_521480853356392_80753590340943 315859151_521480880023056_69006015619358 xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg

The post Xasan Sheekh oo BF kahor sheegay arrin ay si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this