Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka Cadale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wejigii koowaad ee isku-day lagu rabay in lagu damiyo xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta guul kusoo dhamaaday.

Xubno uu horkacayo Imaamka Mudulood ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan beelihii ku dagaalamayay deegaanadaasi, islamarkaana la kala qaaday ciidamadii labada dhinac ee is horfadhiyay

“Maanta iyo shalay waxaa tagnay dhamaan aaggagii ay xabadu ka dhaceysay oo ciidamadu isku horfadhiyeen, marka isku marnay intaas waxa isku afgaranay dadkii deegaan iyo ciidamadii joogay in xabad dambe aysan dhicin oo ciidamada aagga laga bixiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay xubnaha uu horkacayo Imaamka Mudulood.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in dhinacyada isla qaateen ku dhawaaqista gogol nabdoon oo la dhigayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Ilaahay mahadiis waaye, intii naga dhursugaysay ee Abgaal aheyd ee islaheyd maxaa dhici doona waxaa ku seexataan in xabad joojin ay dhacday oo gogol nabdeed la isugu imanayo.”

Dagaal beeleedkaan ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 ruux, halka ay tiro kalena ku dhaawacmeen iyo khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya dagaal beeleedkaan xili uu qeybo kala duwan oo dalka ah ka socdo dagaal ka dhanka Al-Shabaab, oo muddo badan dhibaato ku haysay umadda Soomaaliyeed.

The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal beeleedka Cadale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this