Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo 10 Milyan Oo Doollar Dul-dhigay Saddex Kamid Ah Hoggaanka Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhisay illaa $10 milyan oo abaal-marin ah taas oo la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa.

Sidoo kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab.

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this