Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Hadashay Xarigga Mustafa Cali Caanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federalka Soomalaiya ayaa ka hadashay xarig ciidanka amniga ay kula kaceen wadaad lagu magacaabo Mustafa Cali Caanood, kaas oo kamid ahaa culimada inta badan ka hadli jiray afkaarta ay aamnisan yihiin Al-shabaab, isaga oo cod uu soo duubay ku muujiyay inuu taageersan yahay Al-shabaab dagaalka ay kula jiraan ciidanka dowladda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ay wadaadka kasoo xireen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana dowladdu kusoo eedeysay fidinta fikirka Al-shabaab sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafunta ee ku aadan xiriggiisa.

Mustafa Cali Caanood ayaa waxaa xariggiisa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka Al-shabaab kula dagaalamayaan gobollada dalka, iyaga oo ka saaray deegaanno iyo degmooyin ay maamulayeen dhowr iyo toban sano oo ay jireen, madaxweyne Xasan ayaa dhowr jeer ku celiyay in dowladdiisa ay dagaal la galayso Al-shabaab.

 

No photo description available.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this