Sign in to follow this  
Deeq A.

Korodhka Dhimashada iyo Muranka Siyaasada

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka aad eegto tirsiga xabaalaha qaarkood waxaad arkaysaa in dhimashadu korodhay 100% ama 2 jeer. Tusaale ahaan bilihii ka horreeyay July ilaa August xabaalaha Baqiic iyo Haleeya waxa lagu aasi jiray celcelis ahaan 3 qof maalintiiba. Halka 20kii cisho ee u danbeeyay xabaalaha Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 116 qof oo noqonaysa celcelis ahaan 6 qof maalintii. Xabaalaha Halaya waa la mid oo celcelis ahaan waa 6 qof maalintii waayo 2dii toddobaad ee u danbeeyay waxa lagu aasay ilaa 84 ruux. Muddadii uu xanuunku socday waxa Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 400 ruux, ka waran xabaalaha kalena?

Sida Somaliland Chronicle qoray dhakhaatiir magacooda qariyay ayaa qiray in dhimashadu ka badan tahay intii xanuunka laga filayay sababo la xidhiidha gaabis ka yimi dhanka wasaaradda Caafimaadka. Wasaaraddu ma ay samayn wacyigelin haboon iyo warbixino daahfuran oo tusaya heerka cudurka iyo dhimashada!!

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this