Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Axmed Ciise Cawad “Puntland kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah”

Recommended Posts

Deeq A.   
cawad.webp?resize=1000%2C676&ssl=1

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horraysay wareysi uu bixiyay kaga hadlay barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasadeed ka abuuray Puntland.

Danjire Axmed Ciise Cawad, oo u warray idaacadda DALJIR ayaa sheegay in Puntland aysan hadda ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, waxaana uu faahfaahin cilmiyeysan  ka bixiyay sida aysan ku hirgeli karin.

Waxa uu soo bandhigay mabaadi’ as-saasi u ah doorashooyinka qof iyo cod ee dunida, balse aysan midna buuxin doorashada lagu muransan yahay ee laga hadal-hayo gudaha Puntland.

“ Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa in ay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dhammaan dadka ku nool meesha laga qabanayo” ayuu qodobka kowaad ka dhigay.

“ Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin in ay ka qayb-geli karaan doorashooyinka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kasta ayaa xaq u leh” ayuu raaciyay danjire Cawad.

“ Waa in aysan maamulin xukuumadda markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level playing field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dadkaa iska leh”

“ Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo.Tira-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod” ayuu sii raaciyay.

Qodobada uu sidoo kale ka hadlay; waxaa kamid ah madax-bannaanida guddiga qabanaya doorashooyinka iyo in ay jirto maxkamad dastuuri ah (constitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho.

Dhinaca kale, wuxu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-talisnimo, hadddii laga weeciyo mabaadi’da as-aasiga ah u ah doorashooyinka dunida.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Ruushka, oo sida uu sheegay mar kasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana mar kasta uu ku soo baxo madaxweyne Vladimir Putin.

PUNTLAND POST

The post Danjire Axmed Ciise Cawad “Puntland kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this