Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub Ka-dhigista TPLF Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabaneysa Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya iyo ciidammada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaadheen waddanka Koonfur Afrika bishan.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaadhaan dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxeexay magaalada Pretoria.

Ku dhawaaqidda heshiiskan ee ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sanno ka socotay Itoobiya, taas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidammada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaadhay hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta salaasada ah ee 15-ka November oo barri ah, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wadahadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidammada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidammada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.”

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.

General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.

Reuters

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this