Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii U Dambeeyay Qarax Ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Istanbul)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla badhtamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taalla fagaaraha Taksim, sida uu sheegay badhasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this