Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Rabshado Dad Ku Dhaawacmeen Oo Burco Ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)- Inta la ogyahay 3 dhalinyaro ah iyo 4 askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliska magaalada Burco iyo dhalinyaro dhigayay bannaanbax ay ku taageerayaan go’aamada mucaaradka Somaliland.

Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ka hortagay bannaanbaxyo rabshado wata, oo ay xalay xilli danbe magaalada Burco ka bilaabeen dhalinyaro la dhacsan go’aamada kasoo yeedhay mucaaradka Somaliland, taasi oo sababtay in isku dhac dhexmaro booliska iyo bannaanbaxayaasha.

Taliyaha Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo hadalka mucaaradka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa balan qaaday in uu amaanka sugayo, isaga oo sheegay in cidkasta oo fal amni daro ah ku kacda ay booliiska is arki doonaan.

Mucaaradku xalay sidii la filayay kumay dhawaaqin wax mudaharaado ah, taa badal keeda waxay shacabka ku booriyeen in ay nabada ilaaliyaan, iyaga oo sheegay in aanay dhibaato wadin lakiin ay rabaan in wada-hadal khilaafka lagu dhammeeyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this