Sign in to follow this  
Deeq A.

UCID iyo WADANI oo cadeeyay Mowqifkooda ka dhanka ah Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa cadeeyay moowqifkooda ka dhanka ah mudda kororsiga madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday Muuse Biixi.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay si wadajir ah ugu sheegeen in aysan aqoonsaneyn xilhaynta uu xafiiska ku sii joogo Muuse Biixi, kadib markii ay u dhamaatay mudadiisi dastuuriga ahayd.

“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

1.webp 2.webp 3.webp

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this