Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aallo ka dhashay shir ay xildhibaano ka tirsan BF ku yeesheen KIGALI + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kigali (Caasimada Online) – Shir gaar ah oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda, kaas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo sidoo kale hadal-heyn xoogan.

Shirka ayaa ku saabsanaa wada xaajoodka shuruucda muhiimka u ah arrimaha maaliyada dalka, geedi socodka hannaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 kaasoo maalimihii la soo dhaafay ka socday Kigali.

Waxaa shirka ku sugnaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir iyo xildhibaano badan oo ka tirsan guddiyada baarlamaanka.

Abshirow oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho dhaqaale.

Haddaba sidee looga falceliyey shirkan la geeyey magaalada caasimada ah ee Kigali?

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticaamla baraha bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan, iyaga su’aallo ka keenay sababta keentay in shir noocaan oo kale ah oo ay ka qayb-galayaan xildhibaano Soomaaliyeed loo doortay in lagu qabto dalka dibaddiisa.

Inta badan dadweynaha ka falceliyey shirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in lagu qabto Kigali, waxayna ku doodeen in lagu shiri karay dalka gudihiisa, ayada oo laga fakirayo dhaqaalaha.

“Shir intan oo dad ah ka qeyb galayaan sababta Kigali loogu qabtay ayaa la yaabay intaan oo xildhibaan mid kasto Tikid ayuu goostay safarkiisa qarash ayaa ku baxay. Maxaa diidayo in qarshkaas la Save gareeyo shirkan Xamar lagu qabto?,” ayuu yiri Maxamed Jiinow.

“Waa nasiib daro wayn in dalka dibaddiisa lagu qabto shir noocaan ah aqligiina ha shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

“Shirarka maa lagu qabto dalka maxaa dal shisheey la gala doonaa?” ayey iyaduna tiri Maryan Jaamac Cali.

“Intaan oo masuul hotel ay ku shiraan miyay ka waayeen Xamar iyo dalkiiba?” ayuu isna yiri Yuusuf Balayax.

“Maxaa diidaya shirarka Soomaalida in lugu qabto wadanka gudahiisa?. Kigali, Kampala & Nairobi ayaa dhaqaalihi Soomaalida la galiyey” ayuu yiri Cabdisamad Cabdullahi.

313870209_446283524348955_83553079108555 314403989_446224417688199_74918402500561 314905381_446224784354829_41878151905176 315196014_446224757688165_65498957468469 315228499_446224501021524_81207099137722 315433140_446224547688186_60655580524160 315437974_446224661021508_72887953268270 315633411_446224597688181_34362584803128

The post Su’aallo ka dhashay shir ay xildhibaano ka tirsan BF ku yeesheen KIGALI + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this