Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha CID-da ee gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka dagan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeysay koox cabtoy ah oo weerar ku qaaday guriga taliyaha, kadibna goobta isaga baxsatay.

Ugu yaraan hal askari oo ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa falkan ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah, islamarkaana ay ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la doonayey in falkan lagu khaarijiyo  taliyaha CID ee gobolka Mudug, balse uu ka badbaaday isku daygaasi dilka ah.

Garoowe oo ah xarunta  Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho  loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga.

The post Taliyaha CID-da ee gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this