Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan looga hadlayay Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro.

Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan looga hadlayay Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this