Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee  DANAB Gaar ahaan Ururka 5aad Guutada 16 aad ayaa Howlgal Qorshaysan ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Howlgalka ayaa Ciidamada ka sameeyeen degaannada kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ee DANAB ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Waqooyiga Kismaayo, isla markaana weerarada ay kasoo abaabuli jireen.

Sarakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in inta howlgalka socday lagu soo saaray miinooyin kooxaha Al-shabaab ku aaseen degaannadaas.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this