Sign in to follow this  
Deeq A.

Muj.Cali Guray muxuu ka yidhi Go’aamadii ay soo saareen Xisbiyada Mucaaradku!

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha Wakiilada iyo golayaasha degaanada ee muddo xileedyadii sharciga ahaa ku jira iyaga la iskuma haysto sharciyadooda saw maaha? Waxa la isku haystaa xukuumadda (Madaxwaynaha, ku xigeenkiisa, iyo wasiiradiisa) iyo Xildhibaanada Guurtida oo aan sharci ku fadhiyin. Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo haya’daha qarankana ma saamaynayo khilaafka siyaasaddu oo iyagu hawlmaalmeedkooda way wadanayaan iyaga ayaana wasaaradihii iyo haya’dihii ka sii masuul ahaanaya inta la gaadhayo heshiis doorashooyinka ah. Dabcan Ciidanka Qaranka hadii aan si qaldan loo adeegsanin iyaguna waa lama taabtaan. Haya’daha amniga ee kale laftooda hawlahoodu waa muhiim hadii Taliyaha Ciidanka Bilaysku aanu ku xadgudbayn xuquuqda muwaadinka.
Sidaa daraadeed dhinaca mucaaridka ma jiro maamuus ahaan cid ka saraysa Guddoomiyaha Wakiilada. Dabcan dhinacooda waa mawqif sax ah oo ay ka dhaqaaqi karaan hadii xaaladda khilaafka siyaasaddu halka uu gaadhay iyo meel ka sii xun uu gaadho.
May be an image of 1 person

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this