Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi. 

Danjire Axmed Jumca ayaa sidoo kale Xasan Sheekh soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay in iminka ay tahay dowladda ugu saameynta badan Soomaaliya, waxayna si aad ah isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, ayada kaalintaas kala wareegtay dowladda Qatar oo ay xulufo ahaayeen madaxweyne Farmaajo. 

Dhowaan, Caasimada Online waxay qortay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay Soomaaliya ka qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo, kuwaas oo qaarkood lagu tababarayo Muqdisho, halka qaarna loo qaaday dalka Masar.  

Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya Imaaraadka Carabta, halka Masaarida ay bixinayaan tababarka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay ka dhigto mid ka qarsoon shacabka iyo caalamka kaleba. 

Halkan ka aqrsio warbixintaas.
Xasan-Imaaraadka-scaled.jpeg 52497798488_bcf06d19fd_6k-scaled.jpeg Imaaraadka-Xasan-scaled.jpeg Xasan-Sheekh-Imaaraadka-scaled.jpeg 52497529989_e32962defe_o-scaled.jpeg 52497727630_6b288a7696_6k-scaled.jpeg Safiirka-Imaaraadka-Axmed-Jumca-Al-rumey

The post Sawirro: Xasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this