Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu diiday inuu dalka doorasho geliyo.

Kulan saacado badan qaatay oo u socday mucaaradka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed dheer, waxaana warbaahinta u akhriyey hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Shantii sano ee xil heynta ayaa maanta u dhamaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn.

Mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaarayo heshiis doorasho.

“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay inay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Guddoomiye Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in nabadda ay ilaashadaan, sidoo kale wuxuu u soo jeediyey shacabka in sharci darrada uu wado Muuse Biixi aysan aqbalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka akhriso bayaanka mucaaradka Somaliland

315629501_865240034916616_30514807084096 315167000_865239978249955_64410618092443 315219874_865240024916617_72941925514265

The post Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this