Cowke Posted October 17, 2009 Shir looga hadlaayay Xaalufinta Degaanka oo ka dhacay Qardho October 17, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1) C/qani C/laahi Horseed Media Shir looga hadlaayay sidii wax looga qaban lahaa dadka ka shida dhirta dhuxusha ayaa maanta ka dhacday magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar. Taliyaha qaybta ee gobolka Karkaar Gaashaanle sare Cali Ciise Baab oo Horseed Media u waramaayay ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ay ka soo qayb galeen maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiil ka socotay Ciidamada Booliska gobolka Karkaar, Nabadoono iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Cali Ciise Baab intaas ku daray in shirkaasi ay si weyn ugu goorfeeyeen sidii looga hortagi lahaa dadka xaalufinta aan kala go’a lahayn ku haya deegaanada hoostaga Gobolka Karkaar. “…Anagoo kaashanayna Wasaaradaha deegaanka iyo Wasaarada arimaha gudaha, waxaan doonaynaa in aanu burburino goobaha laga dhisay beeraha inta badan la yiraahdo waa beero caws….” ayuu yiri Taliyaha. Gaashaanle Sare Cali Ciise Baab ayaa sheegay in kulankaasi ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid yihiin; 1. In wacyi galin loo sameeyo dadka xaalufinta cadaystay ee Gobolkaasi Karkaar 2 In la gubo beeraha Cawska ee ku yaala Gobolka Karkaar 3. Cidii ka soo horjeesata in la horgeeyo sharciga. 4. In dadka xirfadahaasi ku shaqaysan jiray la baro xirfado kale sida ay balan qaaday Wasaaradaha Deeganka, Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Sarkaalkan ayaa ugu dambaynti sheegay in maalmaha soo socda ay filayaan in ay saxiixi doonaan qodobadan dhaqan galkooda maamulka gobolka, kan degmada, Odeyaasha, Wasaaradaha arimaha gudaha, Amniga iyo deegaanka. Deegaano hoostaga degmada Qarho ee xarunta gobolkaasi Karkaar ayey ka jiraan xaalufinta dhirta midaas oo noqotay mid illaa iyo hada la xakameyn waayey. Quote Share this post Link to post Share on other sites