Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

“Madaxweynaha ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran,” ayaa lagu yiri dikreetada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.”

Taliyihii hore ee ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo khilaaf adag uu soo kala dhex galay isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu dambeysay waxaa shaqo joojin ku sameeyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

27-kii December 2021-kii ayuu Farmaajo amray taliyaha xoogga inuu shad aka joojiyo Taliyihii ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, xilligaas oo R/Wasaare Rooble uu eedeyn culus u mariyey warbaahinta.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ciidan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this