Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16683633285534915.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka u magacaabay Gaashaanle Sare Mubzarak Cabdiqani Muuse.

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15, uuna xeerkan waafaqsan yahay qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaha.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this