Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Ethiopia iyo TPLF oo gaaray heshiis cusub oo dhaqan-galaya Talaadada

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay bishaan ku gaareen waddanka Koonfur Afrika.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.

Ku dhawaaqidda heshiiskan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaalada ay wadaan dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xalinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaal-yahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Falan-qeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wada-hadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.”

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.

General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.

The post Aqriso: Ethiopia iyo TPLF oo gaaray heshiis cusub oo dhaqan-galaya Talaadada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this