Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   
2022-11-13T140909Z_232993850_RC21LX9L2LY

Inta la xaqiijiyay 4 qof ay ku dhintay 38 qofna waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Qarax ayaa ka dhacay wadada Istiklal ee bartamaha Istanbul oo ah wado mashquul badan oo ay ku yaaliin dukaamo iyo maqaayado, ayna isticmaalaan dalxiisayaasha iyo dadka degaanka.

Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka in qaraxu dhacay abaaro 4:20pm (13:20 GMT), ayna 4 qof ku naf waayeen 38 qofna ku dhaawacmeen.

Muuqaal la soo dhigay internet-ka markii qaraxu dhacay ayaa muujinayay holac baxaya iyo jug xooggan, iyadoo dadka ay kala carareen. Muuqaalo kalena waxay muujinayaan baabuurta ambalaasta, baabuurta dab damiska iyo booliska oo goobta ku sugan. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa sheegay in la xiray goobihii ganacsiga iyo wadada.

Wadada Istiklal oo inta badan ay ka buuxaan dad dukaameysanaya waxaa horey u bartilmaameedsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa sanadkii 2016-kii.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Istanbul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this