Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta xariga ka jaray dhisme dowladeed cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaan cusub, isagoona u mahad-celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

Xamza oo ka hadlay munaasibada ayaa tilmaamay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka, islamarkaana tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdaan horumarka hay’addaan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu guud ahaan shaqaalaha hay’adda ku bogaadiyey howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, ayna sii horumariyaan hanaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugida amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

XM01.jpg XM02.jpg XM03.jpg XM04.jpg XM05.jpg XM06.jpg XM08.jpg XMO7.jpg

The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta xariga ka jaray dhisme dowladeed cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this