Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ruxay Istanbul + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ruxay waddada Istiklal Avenue ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu ee magaalada Istanbul, sida uu xaqiijiyey barasaabka magaalada Ali Yerlikaya. 

Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 pm, sida uu sheegay Yerlikaya. 

“Booliskeena, caafimaadka, dab damiska iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa loo diray goobta. Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii kusoo krodha dib ayaan idin kaga soo sheegi doonnaa,” ayuu yiri.

Booliska ayaa xiray waddada Istiklal sababo la xiriira suurta-galnimada qarax labaad, sida ay ku warantay warbaahinta Turkey.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayey meydad iyo dhaawacyo dhulka yaalla, oo uu ku jiro canug yar. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa.

Dhinaca kale, hay’adda sharci-dejinta warbaahinta Turkey ee TRUK ayaa manuucday in la baahiyo sawirrada qaraxa ama la bixiyo warbixin ku saabsan marka laga reebo bayaanada dowladda.

Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul ayaa lagu sheegay inuu billaabay baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxan “aadka u xun,” wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 qof, islamarkaana 53 kale lagu dhaawacay.

“Hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeena ayaa ku howlan inay helaan kuwa ka dambeeyey qaraxan aadka u xun,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

2022-11-13T144336Z_2059104695_RC21LX9ZCU

2022-11-13T144222Z_425815228_RC21LX9H9HR

2022-11-13T143359Z_186125581_RC21LX9X28K

2022-11-13T143359Z_1791030003_RC21LX9XX0

2022-11-13T143358Z_632961120_RC21LX9ZYZA

2022-11-13T142959Z_1520426467_RC21LX995Z

2022-11-13T142537Z_695834370_RC21LX9GSZJ

2022-11-13T141710Z_1925929984_RC21LX9AUZ

2022-11-13T142536Z_108966976_RC21LX9OEPM

2022-11-13T140909Z_232993850_RC21LX9L2LY

 

The post DEG DEG: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ruxay Istanbul + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this