Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka qayb-galay Madasha Isbeddelka Cimilada

Recommended Posts

Deeq A.   
313272986_521527993322248_53487335101403

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimilada adduunku ku leeyahay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka kala duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka cimilada.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta, isagoo dhinaca kale, xubnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka qayb-galay Madasha Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this