Sign in to follow this  
Emperor

TACSI: Colonel Muse Siciid Ali ( Muuse Gibil)

Recommended Posts

Emperor   

INAA LILAAHI WA'INAA ILAAHI RAAJICUUN

 

Virginia USA, July 2, 2008. Waxaa shalay oo ay bisha July ahayd 1da ku geeriyooday magaalada Kismaayo Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Sare Muuse Saciid Cali Dawaarig oo ku magac dheeraa (Muuse Gibil).

 

G/Sare Muuse Saciid Ali wuxuu ka mid ahaan jiray saraakiishii ciidammada Badda ee Soomaaliya, wuxuuna ka soo baxay oo aqoontiisa ku soo dhammaystay Kulliyadda Abbaanduulka ee dalka Masar, kaddibna wuxuu haddana soo dhammaystay Kulliyadda Abbaanduulka ciidammada dalka Rasia.

 

G.Sare Muuse Gibil mar walba xil culus ayuu ka hayey ciidammada Badda ee Soomaaliya wuxuuna mar ahaa ku xigeenka Taliyihii Ciidammada ee Soomaaliya, mar wuxuu noqday abbaanduulaha ciidammada Badda, laba jeer oo kala duwanna wuxuu abbaanduule ka ciidammadii Badda Kismaayo, marna ciidammada Badda Berbera.

 

G.Sare Muuse Gibil muddadii dalka Soomaaliya ku jiray burburka lagana soo bilaabo 1991dii ilaa hadda oo ay u timid tii Alle wuxuu ku sugnaa Kismaayo ,wuxuuna nasiib u helay in aanu shanta la gelin fidmadii ka dhacday Soomaaliya wuxuuna iska diiday in uu qabto jagada taliyaha Ciidammada Badda ee Soomaaliya waqtigii uu dalka Madaxweynha ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

Sidaas darteed, dadka Soomaaliyeed ee ku dhan Waqooyiga Ameerika ayaa iyagoo aad uga tiiraanyeysan geerida Alle qaddaray ee ku timid G.Sare Muuse Saciid Cali Dawarig uga tacsiyeynayaan xaaskiisii, carruurtiisii, eheladiisii iyo dhammaanba ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ina'lilaahi Wa'inaa Ilahyhi Raajicuun.

 

I have had the opportunity to meet and discuss with the late great Colenel few months ago, he was humble man, exteremely intillegent and full of energy and althought I assume was in his mid fifties he looked very young with so much to offer to the Somali nation, Laakiin ilaahay maqadarin.

 

May Allah grant him Janatul Firdows, Aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this