Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo isaga baxay degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
3-3.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Wararka ka imaanaya degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay xalay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo ay weheliyaan ciidamo beeleedyo hubaysan ayaa dib ugu laabtay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay saraakiil kala duwan.

Saraakiisha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in Taliyaha Milateriga Soomaaliya uu bixiyay amarka Ciidamada looga saaray degaanka Wabxo oo ay dhowaan kala wareegeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin sababta keentay in dib loo celiyo Ciidamada ku jiray hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo isaga baxay degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this