Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub ka-dhigista Fallaagada TPLF oo bilaababaysa Todobaadkan

Recommended Posts

Deeq A.   
924E6038-C1E4-407E-9A27-9C0C99C89B1C.jpe

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Hub ka-dhigista Fallaagada TPLF oo bilaababaysa Todobaadkan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this