Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maanta Xarigga laga jaray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668342510226.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

FB_IMG_16683429865064594.jpg?resize=720%

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maanta Xarigga laga jaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this