Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub UAE

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668350854402.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub UAE appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this