Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo guul weyn usoo hoyisay SOOMAALIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Berlin (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa guul weyn usoo hoyisay Soomaaliya kadib markii ay ku guuleystay in mid ka mid ah dalalkii deynta ku laha auu ka cafiyo.

Wasiirka Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee dowladda Jarmalka Mdne Jochen Flasbarth ayaa maanta ku dhawaaqay inta lagu guda jiray madal ka tirsan Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP27 intii ay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii lagu lahaa.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa goobjoog Ka aheed madasha looga dhawaaqay deyn cafinta Jarmalka, iyada oo halkaas kula kulantayWasiir ka Maalgashiga Norway iyo Sabarina Dhowre oo ah Danjiraha Hey’adda IFAD.

“Soomaaliya way ka mahadcelinaysaa taageeradaan miisaanka leh, runtii tani waa guul weyn oo laga gaaray deyn cafinta, Soomaaliya waxay hiigsaneysaa inay gaarto heer ay soo gabagabeyso barnaamijika deyn cafinta,” ayey tiri wasiir  Khadiija

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasiirka Khadiija ayaa dadaalka deyn cafinta Soomaaliya ee dhanka Jarmalka wadday wixii ka dambeeyey shirka QM ee September, halkaasi oo ay kula soo kulantay wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Annalena Baerbock.

Wadamo ka tirsan Yurub ayaa horay ugu dhawaaqay inay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen, kadib markii ay ku qanceen nidaamka hufnaanta maaliyadda dalka.

Dowladaha iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera Miisaaniyadda, horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale ee horumarineed ayaa bogaadiyay doorka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta ee Wasaaradda Maaliyadda.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagooda ku aadan arrimaha dib-u-habeynta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Great News: Germany’s Federal Ministry for Economic Cooperation & Development @Jochen Flasbarth, the State Secretary, announced today that the German Government cleared Somalia's debt to @IFAD during the panel at #COP27 session taking place in Sharm El-Sheikh, Egypt. pic.twitter.com/cHDY520JBN

— Khadija Mohamed Al-Makhzoumi (@KhadijaMakhzumi) November 12, 2022

315269795_2457009594598590_8263234923394 313407675_2457009611265255_5503154482596 313422150_2457009601265256_4502998630360 314691815_2457009624598587_6802866089742

The post Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo guul weyn usoo hoyisay SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this